Mareykanka oo si rasmi ah safaaradiisa uga furanaya Soomaaliya.

Date:

Bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Safaaradda ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Waxa uu yiri “Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...