Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo Al-shabaab Hub ka furtay kana dilay malleeshiyo badan.

Date:

Waxaa sii kordhaya dagaalka kacdoonka shacabka iyo Al-shabaab u dhexeeya, iyadoo hub looga furtay argagixisada dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay deegaanka Ceel Cali ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray dhallinyaro is abaabushay oo la magacbaxday macawiisleyda gobolka Hiiraan iyo malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, dagaalka ayaa socday muddo ku dhow laba saacadood, waana saaka waabarigii hore.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Macawiisleyda, wararka ayaa intaa ku daraya in goobta dagaalka ay ku dhinteen tobaneeyo Argagixisada ka tirsan, isla markaana uu jiraan tiro dhaawacyo badan ah, sida uu inoo xaqiijiyey Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan.

Waxa uu intaa ku daray in laba dhallinyaro ah ay uga shahiidday dagaalka, ayna ku rajo weyn yihiin sidii kacdoonka ka dhanka Al-shabaab looga hirgelin lahaa gobolka Hiiraan oo dhan.

Mr Istakiin ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay argagixisada uga furteen hub dhowr nooc ah.

Dagaallada Kacdoonka ah ee looga soo horjeedo Al-shabaab ayaa ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana marar badan khasaare loogu geystay argagixisada, bacdamaa ay shacabka iska diidaan in ay ku dhex noolaadaan cabsi iyo gummaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...