Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo Al-shabaab Hub ka furtay kana dilay malleeshiyo badan.

Date:

Waxaa sii kordhaya dagaalka kacdoonka shacabka iyo Al-shabaab u dhexeeya, iyadoo hub looga furtay argagixisada dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay deegaanka Ceel Cali ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray dhallinyaro is abaabushay oo la magacbaxday macawiisleyda gobolka Hiiraan iyo malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, dagaalka ayaa socday muddo ku dhow laba saacadood, waana saaka waabarigii hore.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Macawiisleyda, wararka ayaa intaa ku daraya in goobta dagaalka ay ku dhinteen tobaneeyo Argagixisada ka tirsan, isla markaana uu jiraan tiro dhaawacyo badan ah, sida uu inoo xaqiijiyey Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan.

Waxa uu intaa ku daray in laba dhallinyaro ah ay uga shahiidday dagaalka, ayna ku rajo weyn yihiin sidii kacdoonka ka dhanka Al-shabaab looga hirgelin lahaa gobolka Hiiraan oo dhan.

Mr Istakiin ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay argagixisada uga furteen hub dhowr nooc ah.

Dagaallada Kacdoonka ah ee looga soo horjeedo Al-shabaab ayaa ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana marar badan khasaare loogu geystay argagixisada, bacdamaa ay shacabka iska diidaan in ay ku dhex noolaadaan cabsi iyo gummaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...