Fursado Shaqo-Abuur Ah oo uu Sameeyay Banggiga IPS Oo Haweenka Qoysaska Danyarta ah Ay Ka Faa’iideeysteen “Sawirro”

Date:

Mashruucan shaqo abuurka ah waxaa ka faa’ideysanaya Qaar kamid ah haween ka soo jeeda qoysaska danyerta ah oo ku nool magaalada Muqdisho,waa maalgelin yeryer (Micro financing) kaasi oo Bangiga (IPS) uu ku caawinayo dadka danyerta ah oo loogu talagalay in shaqo abuur loogu sameeyo,iyadoo qeyb kamid ah ay ka taageerayso Hay”adda Caalamiga ah ee ILO.

Daahfurka barnaamijkan oo ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka Shaqada iyo Arrmaha Bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa,mas’uuliyiinta ILO iyo Banggiga IPS,kuwaasi oo si isku mid ah u dhiirogeliyay fursadaha shaqo abuurka ah oo feker ahaan uu leeyahay Banggiga IPS,si loo daboolo nolosha qoysaskaasi.

Cabdiwali Maxamuud Cilmi oo ka tirsan Baggiga IPS oo barnaamijkan hal abuurkiisa iyo maalgelintiisu leeyahay ayaa sharaxaya waxa ay ugu talagaleen.

“Ujeedka wuxuu yahay in aan ku soo bandhigno guulihii laga gaaray barnaamijkan micro financeka oo soo socday muddo 4 sano ah,barnaamijkan wuxuu yahay mid (IPS) uu xoogga ku saarayay in uu ku dhiirageliyo haweenka,waxaana ka faa’ideystay haween gaaraya ilaa 5000 kun oo qof”. Ayuu yiri Cabdiwali.

Sumeeyo Nuur Cabdi,Fardowso Yuusuf Ibraahim iyo haweenkiii kale fursadaasi la siiyay,waxaa ay uga mahadceliyeen IPS iyo ILO fursadda dhiirogelinta leh oo ay siinayaan bulshada danyerta ah, gaar ahaan haweenka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo ka qeybgalay daahfurka barnaaijkan ayaa bogaadiyay dadaalada fursadaha shaqo abuurista ah oo loo sameynayo haweenka Soomaaliyeed.

Goobta daahfurka shaqo abuurkan waxaa lagu soo bandhigayay habab kaladuwan oo haweenka loo maalgeliyay,qaar ayaa iibinaya qudaarta iyo dalagyada beeraha wax la xiriira,kuwo dharka iibiya,shoping,cilaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...