Maamulka Gobolka Banaadir oo daryeel Caafimaad u sameeyey Agoonta Booliska

Date:

Waaxda Caafimaadka Dawladda hoose ee Xamar ayaa daryeel Caafimaad u sameysay Carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo kormeeray qeybaha xarunta caruurta agoonta ah ayaa warbixin la xiriirta xaaladdooda ka dhageystay Taliyaha xarunta barbaarinta caruurta agoonta S/G Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), isagoo uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan agoonta booliska.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey kormeerka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, ku-xigeenadiisa iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...