Shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya oo uu tababar ugu furmay Denmark

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Col;  Maxamed Aadam Koofi ,ayaa tababar ku saabsan hababka maareynta socdaalka xudduudaha iyo hubinta dekumentiyada safarka uga furey Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark saraakiil ka tirsan qeybaha Socdaalka Dalka.
Tababarka oo socon doona Todoba Cisho ayaa waxaa bixinaya khubaro iyo saraakiil ka tirsan Booliiska Denmark.

Saraakiisha ayaa sidoo kale booqasho aqoon kororsi ah ku tagi doona Xafiisyada Socdaalka iyo garoonka caalamiga ah Copenhagen.
Agaasimaha guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Denmark fursadda tababar ee ay ugu deeqeen howl-wadeenada HSJ, wuxuuna kula dardaarmey saraakiisha in ay ka faa’iideystaan casharada tababarka oo muhiimad gaar ah u leh howlaha socdaalka Dalka.

Dowladda Denmark ayaa ka mid ah Dalalka saraakiisha HSJ ay u tagaan tababarrada iyo aqoon kororsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay...

Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqi doona natiijada...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...