Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo dardargalinta iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladdood.
Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalalka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qamada Midoobay ee lagu qabtay New York.