Soomaaliya oo soo Dhoweysay Aqbalaadda Mareykanka ee Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Washington.

Date:

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump uu gudaha aqalka cad kaga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hor socodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu horey u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah.

Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...