Ciidamada Sacuudiga oo Ku biiray Isbahaysiga Cusub Howlgalada Marinada Biyaha ee Bariga Dhexe

Date:

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ku biirayaan  isbaheysiga uu horkacayo Mareykanka ee sugidda amniga marin biyoodka caalamiga ah ee Bariga Dhexe, ka dib markii weeraro lala beegsaday goobaha shidaalka laga soo saaro.

Sarkaal u hadlay Warbaahinta dowladda dalka Sacuudiga oo aan la shaacin magaciisa ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada dalkaasi ay doonayso in ay ka qeyb gasho Dhismaha Amniga Caalamiga ee Badaha, Dalalka Australia, Bahrain iyo Boqortooyada Dalka Ingiriiska ayaa horey uga mid noqday Isbahaysiga illaalada marin biyoodka caalamiga ah ee Bariga dhexe.

Mareykanka ayaa aas-aasay isbaheysigan oo ay kamid yihiin dalal dhowr ah kadib markii weerar lagu qaaday qaar kamid ah maraakiibta xamuulka shiidaalka weerarkaasi oo ay saraakiil Mareykan ahi ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyso dowladda Iiraan.

Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug leedahay weeraradaasi.

Wasiirka tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada ay dhammaadka bisha soo celin doonto wax soo saarka saliida shiidaalka ee lumay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...