Hirshabeelle: Madaxweyne Muxamed Cabdi Waare oo soo xiray Bandhigga Maalgashiga Ganacsiga iyo Beeraha

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo xiray Shirwaynaha Bandhigga Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, kaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar.

Shirkani ayaa waxaa isku soo duba riday Hey’adda GEEL oo garab ka heleysa Hey’adda USAID, waxaana ka qeyb galay xuhno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Ganacsato, xubno ka soday Shirkadaha Ganacsiga qeybihiisa kale duwan, iskaashatooyinka dhinaca beeraha, Hey’adda ka shaqeeya caafimaadka xoolaha, qubaro iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xiritaanka bandhiga ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada dalkani qaniga ku ah kheyraadka uu u leeyahay wax soo saarka dalkeena, waxaana uu ku amaanay intii ka shaqeysay in barnaamijkani uu hirgalo, waxaana uu ku dhiira galiyay shirkadaha ganacsi ee soo bandhigay ganacsigooda ee dhanka wax soo saarka Dalka.

“Dalkeena gaar ahaan Hirshabelle waxa ka buuxa kheyraad fara badan oo u baahan in laga faa’ideysto sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan garano muhiimada Wax soo saarkeenu uu inooo leeyahay, waxaana ku dhiira galinayaa Beeraleyda iyo shirkadaha Ganacsiga wax soo saarka in dadaalkoodu ay laba jibaaraan, barnaanijyada noocaan ahna oo Hirshabelle maalgashiga loogu sameynayo waan sii kordhin doonaa insha’allay” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo sii hadlay ayaa beeraleyda Hirshabelle ku dhiira galiyay in ay ka dhabeeyaan mira dhalka dadaalka ay ugu jiraan tacbashada wax soo saarka dalkeena, waxaana ka Hirshabelle ahaan uu balanqaaday màdaxaweynaha in beeraleyda iyo xoola dhaqatadaba ay ka saacidi doonaan dhinacyada horumarinta wax soo saarka iyo xoolaha.

Madaxweynaha Hirshabele ayaa codsaday in dowlada federalka ay ka shaqeyso gobolada dalka maadaama horumarka uu ku xiran yahay sugidda nabadgelyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...