Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isi soo dhiibay

Date:

Hor-joogahan oo uu Magaciisa Af-garashadu ahaa Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Yaroow Xasan Aaden, oo loogu yeeri jiray (Seyfu-Laah), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha.

Sargaal u hadlay ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in horjoogahan uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay uu isu soo dhiibo, kaddib markii uu qirtay dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wado howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...