Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi magacaabay .

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta iyo ka soo tala bixinta qorshaha lagu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, waxaa xubin ka ah Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir afar xubnood oo kale.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu caddeeyay inuu la tashaday Hey’addaha amniga, isla markaana uu tixgeliyay baahida loo qabo isu socodka shacabka iyo Gaadiidka magaalada Muqdisho ayna lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorshaha lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee xiran ee magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...