Soomaaliya oo Wareejisay Hoggaanka Shirka Golaha W/A/Dibedda Jaamacadda Carabta

Date:

Qaahira:-Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhiggiisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim.

Ambassador  Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil lood ee ay xilka haysay Soomaaliya ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda.

Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayaa looga hadlay dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...