Soomaaliya oo ka qayb gashay wejiga afaraad ee shirka deyn cafinta.

Date:

Wasiirka Maaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wadahadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) xilli uu socdo wadaxaajoodka Wejiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya ee loogu yeero (SMP4).

Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadexdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .

wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…

Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...