Kheyre oo Beydhabo Kula Kulmay Safiirrada & Wakiilada Beesha Caalamka U Fadhiya Soomaaliya

Date:

Baydhabo (SNTV) R/Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah kaasi oo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira qaar kamid ah deegaannada maamul gobolleedka K/Galbeed.

R/Wasaare Kheyre oo qorshaha socdaalkiisa uu salka ku hayo horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa mas’uuliyiintii uu kulanka la qaatay waxa uu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo R/Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo sida ay lagama maarmanka u tahay taageerada barnaamijyada wax ku oolka ah ee laga filaayo caalamka.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay ayaa R /wasaare Kheyre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, waxayna ballan qaadeen in Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasha horumarinta.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...