R/Wasaare Khayre Oo Xeraale Geeyay dad loo barakiciyay isku dhaca beello walaallo ah

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud,si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaanno labada gole ka tirsan iyo qeyb kamid ah bulshadii colaadaha dartood uga barakacay Xeraale ee ku noolaa deegaanka Huurshe, Bulshada Magaalada Xeraale ayaana si heer sare ah usoo dhaweeyay wafdiga uu ra’iisul Wasaaraha uu  hoggaaminayay ee qeybta ay ka yihiin eheladadoodii ay colaadda isku waayeen.

Bulshada ay dagaalladu kala geeyeen ee dib u midoobay maanta ayaa farxad iyo dabbaal degyo waaweyn ka dhigay Xeraale, waxa ayna si wadajir ah ugu ballan qaadeen Ra’iisul Wasaaraha in nabad ay ku wada noolaanayaan oo ay meel uga soo wada jeesanayaan ciddii rabshado iyo colaad dambe hurineysa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhinacyada heshiiska saxiixay kula dardaarmay in ay ku fara adeygaan nabadda oo adkeeyaan dhaqan gelinta qodobada heshiiska, ayaa faray dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qeyb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...