Maxkamada caalamiga ah ee ICJ oo 2 bil ah dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah dacwaddii xagga badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Cali Fiqi oo u waramaayey  Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 ,wuxuuna intaa ku daray in ay kalsoomi badan ku qabaan natiijada iyo waxa ka soo baxa  halkaasi.

Safiirka ayaa muujiyey in Maxkamada ICJ ay ka xun tahay go’aankan balse ay ku gaartay codsi ka yimid Dowladda Kenya kaasi oo ay ku codsatay in dacwada dhageysigeeda dib loo dhigo mudo Sanad ah balse Maxkamadda aanay ka ogolaan.

Go’aankan Maxkamadda ICJ ka soo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...