Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka adkaaday Zambabwe

Date:

Xulka Qaranka Kubada cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigiisa Zambabwe.

Kulankaan ayaa ahaa mid ka tirsan Isreebreebka Koobka aduunka ee 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Kulankaan ayaa sidoo kale ahaa wareega kowaad iyo lugta hore oo ka dhacday gudaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jabouti halkaasi oo Soomaaliya ay ku matalayso Guriga waxaana uu kulan ka dhacay Garoonka El Haji Xasan Guuled.

Goolka xulka qaranka Soomaaliya sadexda dhibcood ay ugu qaaten Zambabwe waxaa saxiixay Anwar Sayid Cali oo loo yaqaan Anwar Shakuunda oo u Ciyaara kooxda Elman oo ka mid kooxaha ugu guuldaha badan Soomaaliya.

Lugta labaad ayaa waxay ka dhaci doonta gudaha dalka Zambabwe sadex maalin kadib oo ay tariikhda ku asteysan tahay 08-09-2019 saacaduna tahay 4:00 galabnimo xiliga geeska afrika.

Macalinka Cusub ee xulka qaranka dalkeena oo ka soo jeeda dalka Ghana ayaa waxaa uu gaaray guushisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xulka qaranka dalkeena Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...