Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mogabe oo geeriyooday

Date:

War ay shaacisay Dowladda Zimbabwe ayaa sheegay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Mr; Robert Mugabe, kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay,eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mogabe oo ahaa 95 Sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala Dalka Singapore, halkaasi oo uu ku geeriyooday, oo uu weligiisa caafimaad ahaan u aadi jiray.

Muddo Sanado ka hor ayuu xilka ku wareejiyay, Emmirson Manangagwa, kadib markii Militariga Dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa.

Mr; Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi Militari Bishii November ee Sanadkii 2017, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mogabe, wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Mr; Mogaabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...