Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mogabe oo geeriyooday

Date:

War ay shaacisay Dowladda Zimbabwe ayaa sheegay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Mr; Robert Mugabe, kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay,eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mogabe oo ahaa 95 Sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala Dalka Singapore, halkaasi oo uu ku geeriyooday, oo uu weligiisa caafimaad ahaan u aadi jiray.

Muddo Sanado ka hor ayuu xilka ku wareejiyay, Emmirson Manangagwa, kadib markii Militariga Dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa.

Mr; Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi Militari Bishii November ee Sanadkii 2017, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mogabe, wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Mr; Mogaabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...