Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Saldhigga Booliiska Iyo Xarumaha Ciidamada Danab Iyo Nabad-sugiddu Ay Uga Sugan yihiin Dhuusamareeb

Date:

Khamiis, September 05, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...