Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Kulanka Guddoomiyaha iyo madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isla markaana loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta maamulka iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka, sidaas darteedna maamulkiisu uu ku dhiirigelinayo bulshada kuwooda dhaqaalaha haystaa inay doorkooda ka qaataan horumarka Caasimadda.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u istaagaan sidii kaabayaasha Caasimadda loo dhisi lahaa, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka ee horumaray.

Ganacsatada kulanka la qaatay Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ay sii dardargelin doonaan doorkooda ku addan horumarinta Caasimadda, horey iyo hadana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaddan.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Duqa Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...