Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeedย Dr. Muxamed Axmed Jimcaaleย oo ay weheliyaan masuulyiin ka tirsan maamulka degmada Caabud-waaq ee gobalka G/gaduud,ย qaybahaย bulshadaย iyoย jaaliyadda soomaaliyeed ee deegaanka ka soo jeeda ayaa ka qaybgalay olalaha isxilqaan ee lagu dhisayoย qaybo hor leh oo lagu soo kordhinayoย jaamacadda, qorshahaasi oo qayb ka ah dadaalada ballaarinta hawlaha jaamacadd, si dadka soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in adeegga waxbarashadaย jaamacadda loo soo dhaweeyo.
Hindisahaย qorshahaan oo ay leedahayย Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hirgalay deegaanadaย dawlad goboleedyadaย dalka, taasi oo horseed u noqotay inย bulshada ku dhiiradaan inay isku tashi sameeyaan si adeegyadii ka burburay ay dib ugu dhistaan .
Guddoomiyaha Jaamacaddaย Ummadda Soomaaliyeed Dr. Maxamed Axmed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta qarankaย ayaa uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan degmadaย Caabud-waaqย sida ay usameeyeen isku tashiga ,waxaana uu intaa ku darayย in qorshahaan ay dawladda soomaaliya door ka qaadan doonto, si loogaย mira dhaliyo hiigsiga dawladda Soomaaliya ee ku aadanย hormarintaย waxbarashada dalka iyo soo celinta xarumahii Jaamacaddaย umaddaย ee gobolada dalka .
Waxaa socdaย ย dhismahaย Fasaladii ayย ardayda casharada ku baranayeen ,maadaamaย ay baahida ardayda deegaanka ay korodhay,waxaa qorshahaย dhismahaasiย taageerayaย R/wasaaraha dalkaย md: Xasan Cali Kheyre uu balanqaaday bulshada markii uu tagayย degmadaasi.
Waxyaabaha kale lagu soo kordhinayo Jaamacadda Ummadda faraceda Caabudwaaq waxaa ka mid ahย dhismaha maktabad wayn oo ay ardayada Caabudwaaq wax ku aqristaanย dhismaha hoolka shirarka iyo meel dadku ay ku nastaan.
Guddoomiya J.U.S wuxuu xusay in marxalado kala duwan lagaย soo maray dib u hawlgalinta jaamacadda umaddaย Soomaaliyeedย ย hadanaย ay hormuud ka tahay waxbarashadaย dalka, waxaanaย lagu bilaabay kulliyadoย dhawr ahย hadanaย ay rajanayaan in kuwo cusub lagu soo kordhindoono haddii Alle idmo.
โ370 ardayย ayaaย laguย bilaabayย jaamacadda maantana tiradaย ardayda afar kun oo arday ayay ku siiย dhawdahay ,waxaana soo kordhinaynaa kuliyadiiย aan is dhahnoย baahi ayaa loo qabaa, sida Kulliyada sayniska oo aan bilaabayno sanadkaan.
Xaruntiiย Gaheyr ayaaย qorshaynaynaaย in darbi lagu wareejiyo waxaa dayactiri doonaaย galaasyo bur bur gaaray ayuu yiriย Gudoomiyahaย Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.
Jaamacadad ummadda ayaa sanadkii 2013-dii dib loo hawlgaliyay, waxaana ka muuqda harumar ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah, waxaana sii kordhaya tirada ardayda iyo xarumaha jaamacadda ay ka hirgalinayso Gobollada dalka.