Xaflad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan isla markaana uu xilka ku wareejiyay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)taliyihii hore ee Asluubta ayaa lagu qabtay xarunta taliska ee magaalada Muqdisho.
xafladda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda XFS Abukaate Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir,Madaxda maxkamadaha dalka iyo marti sharaf kale waxaana halkaa si rasmi ah xilka ula wareegay Taliyaha Cusub iyadoo masuuliyiintii halkaa ka hadlay ay bogaadiyeen taliyaha cusub isla markaana ay amaan u soo jeediyeen taliyihii hore wax qabadkiisii.