Diyaaradda Air Uganda oo duulimaad toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho +Sawirro.

Date:

Xaflad lagu daahfuray duulimaad toos ah oo  diyaaradda Udanda Airlines ay ka sameyn doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa saaka lagu qabtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde halkaas oo lagu shaaciyay duulimaadka Air Uganda ee Muqdisho to Kampala.

Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale sidoo kale Safiirada beesha Caalamka ee Soomaaliya jooga waxaana halkaaas lagu shaaciyay in Air Uganda ay duulimaad joogto ah ka sameyn doonto Muqdisho iyo Kampala wixii hadda ka bilowda iyadoo duulimaadkii ugu horeeyay saaka bilowday.

horay ayay 2013 kii Uganda Airlines duulimaaadka uga bilawda Muqdisho hase ahaatee waa joogsaday waxyar ka dib maadaama duulimaadyada guud ahaa shirkadaas ay hakad galeen sababo dhaqaale xumo la xiriira.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...