Xukuumadda Soomaaliya Oo Caddeysay in Dowladdu Aysan Jebin Qodob Kamid ah Heshiiskii Ay La-Gashay Ahlu Sunna

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha ghudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay Bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in Dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan Dowlad Gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay in dowladdu ay mar waliba u taagantahay fullinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay.

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda iyo Madaxa fullinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...