R/wasaare Ku-xigeenka oo Muqdisho Ku Soo Xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV) R/ Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa soo xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayay xiritaanka kulan Sanadeedka Xafiiska Hanti-dhowraha dalka ayaa sheegay inay Baaris ku sameeyeen 25 Wasaaradood iyo Shan ka mid Hay’addaha Amiga,arrintaas  oo uu sheegay in ay  qeyb ka tahay nimaadka Maaliyadda dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hantida-Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleda (Qadar) ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Xafiisyada Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka,waxaa kaloo intaas uu ku daray in lagama maarmaan ay tahay in laga shaqeeyo Hormarinta dalka.

Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Qaran ayaa haatan horyaala Golaha Aqalka Sare, waxaana uu sharci rasmi ah noqon doonaa markuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu saxiixo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...