R/wasaare Ku-xigeenka oo Muqdisho Ku Soo Xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV) R/ Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa soo xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayay xiritaanka kulan Sanadeedka Xafiiska Hanti-dhowraha dalka ayaa sheegay inay Baaris ku sameeyeen 25 Wasaaradood iyo Shan ka mid Hay’addaha Amiga,arrintaas  oo uu sheegay in ay  qeyb ka tahay nimaadka Maaliyadda dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hantida-Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleda (Qadar) ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Xafiisyada Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka,waxaa kaloo intaas uu ku daray in lagama maarmaan ay tahay in laga shaqeeyo Hormarinta dalka.

Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Qaran ayaa haatan horyaala Golaha Aqalka Sare, waxaana uu sharci rasmi ah noqon doonaa markuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu saxiixo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...