Odawaa Yuusuf:  Taliyaha Cusub ee CXD Oo Maanta Xilka Kala Wareegaya Indho-Qarshe Oo Ahaa Taliyihii Hore ee CXD Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Xaflad uu xilka kula wareegayo taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa ay haatan si habsami leh uga socotaa gudaha xarunta Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimaya ayaa waxaa ka qeyb galaya kamid ah Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo koox fanaaniin ah oo halkaasi ku soo bandhigaya suugaan ku aadan guubaabada ciidamada iyo taliyaha xilka loo magacaabay.

Taliyaha Cusub Jeneraal Odawaa Yuusuf ayaa bartamaha bishan August ee 2019 loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka isagoo maanta xilka kala wareegay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ‘Indho-qarshe’. oo ahaa taliyahii hore ee CXD Soomaaliya oo dhowaan xilka laga qaaday.

CXD Soomaaliya ayaa kujira howlgalaya qayb ka ah guluf colaadeed oo ka dhan ah kooxaha nabad diidka ee argagaxisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab kuwaasi oo wajahaya dagaal xooggan oo inta badan laga xoreeynayo qaar kamid deegaanno kuyaala gobollada gaar ahaan dhinaca gobolka Shabeelada hoose.

Kooxda ayaa si weyn loo wiiqay iyadoo laga saaray tuullooyin iyo degmooyin badan oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose sida Sabiib, Caanoole, iyo degmada Awdheegle halkaasi oo ay nabad diidku muwaadiniinta Soomaaliyeed ku hayeen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...