Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka Heer Federaal & Heer Dawlad Gobolleed oo Ka Furmay Garowe ‘Sawirro’

Date:

Garowe ( SNTV) Waxaa maantay magaalada Garowe ee Puntland si rasmi ah uga furmay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed.

Shirkan oo ay si wadajir ah uga qeyb galeen Guddiga La Socodka ee Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu Shirkan soconaya muddo seddex maalmood ah,iyadoo looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...