Hanti- dhowraha Qaranka “ Ujeedada aqoon-iswaydaarsigaan waa tayaynta iyo xoojinta xirfadda Hanti-dhowrnimada

Date:

Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa maanta Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka,kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda.

Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga.

Hantidhowrayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay baahi ay u qabeen dhinaca horumarinta nidaamka baarista shaqada xafiisyada, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah.

Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo furay aqoon isweydaarsigaan ayaa sheegay in ula jeedada laga leeyahay ay tahay in dalka la gaarsiyo nidaamka hufan oo Isfahan iyo shaqo karti leh ugu adeego bulshada iyadoo ay ka mid tahay in daacadnimo dalka loogu shaqeeyo.

Kulamdaan ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dhammaan xafiiisyada hantidhowrka heer qaran iyo heer maamul gobaleed, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta qorshahe horumarsan ee la  doonayo in dalka la gaarsiiyo nimaadka casriga ah ee ay ku shaqeeyaan xafiiskayada hanti-dhowrayaasha Caalamka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...