Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Caws-Qurun

Date:

(Muqdisho, 25 Agoosto 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...