Ciidamo Boolis ah oo gaaray Dhuusamareeb.

Date:

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirka dib-uheshiisiinta Galmudug ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb,halkaasi  oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.,si ay uga qeybgalaan  adkeynta ammaanka magaaladaasi  oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka howlgalaya xarunta lagu qabanayo shirka iyo garoonka diyaaradaha,si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Ammaanka magaaladaasi Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay sugidda nabad geliyada magaaladaasi,sida uu ku soo waramayo wariyaha Warbaahinta Qaranka  Maxamed Deer Cabdi Maxamed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukkuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Galmudug loo dhanyahay,iyadoo gudigii dib uheshiisiinta uu shirar kala duwan uu la qaadanayo dhinacyada ay quseyso Arrinta Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...