Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska ee Arrimaha Afrika

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Raโ€™iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka goโ€™antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada salalka dunida,waxa ay xiriir qoto dheerย  la leeyihiinย  dowladda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale