Ra’iisul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska ee Arrimaha Afrika

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada salalka dunida,waxa ay xiriir qoto dheer  la leeyihiin  dowladda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo dibadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa...