Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Golaha Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun ee dalkooda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee ay muujiyeen dhammaan dhinacyada Suudaan muddadii ay socdeen wadahadallada lagu samata-bixinayey dalkaas aan walaalaha nahay, isagoo tilmaamay in arrinkani uu dhiirrigelin u yahay xal u helista khilaafyada noocan oo kale ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah Sarreeye Guud Cabdifataax Cabdiraxmaan Alburhaan iyo dhammaan 10-ka xubnood ee Golaha Sare ee dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ku lahaa kobcinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqalahaa Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey shacabka iyo hoggaanka dalka Suudaan xasillooni siyaasadeed, horumar iyo in ay midnimo kaga gudbaan dhammaan caqabadaha ku xeeran. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyada dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...