Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Golaha Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun ee dalkooda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee ay muujiyeen dhammaan dhinacyada Suudaan muddadii ay socdeen wadahadallada lagu samata-bixinayey dalkaas aan walaalaha nahay, isagoo tilmaamay in arrinkani uu dhiirrigelin u yahay xal u helista khilaafyada noocan oo kale ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah Sarreeye Guud Cabdifataax Cabdiraxmaan Alburhaan iyo dhammaan 10-ka xubnood ee Golaha Sare ee dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ku lahaa kobcinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqalahaa Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey shacabka iyo hoggaanka dalka Suudaan xasillooni siyaasadeed, horumar iyo in ay midnimo kaga gudbaan dhammaan caqabadaha ku xeeran. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyada dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...