Dowladda Oo Horumarin Ku Sameysay Adeegyada Caafimaad Ee Cisbitaalka Banaadir

Date:

6 Bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya la soo wareegtay isbitaalka Banaadir ayaa waxaa sii kordhay tirada bukaanka adeega u soo doonta isbitaalka, waxaana is bedelay bilicda isbitaalka iyo guud ahaan nidaamka maamulka isbitaalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo u xilsaaran in bulshada soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo sare leh, ayaa la soo wareegtay isbitaalka Banaadir Febraayo 2019 si bulshada soomaaliyeed u helaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo tayo leh.

La soo wareegitaanka Dowladda Soomaaliya ay la soo wareegtay Isbitaalka Banaadir ayaa qeyb ka ah himilooyinka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulsshada oo xaqiijineysa daadijinka adeega bulshada ee aas aasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal lagu kordhinayo adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, waxaa dhawaan la furayaa xaruunta sifeynta kiliyaha oo qeyb ka noqon doonta adeegyada lacag la’aanta ah ee uu isbitaalku siiyo bulshada soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen howl wadeennada tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale meel fiican marinaysa dhismaha Bankiga dhiigga qaranka oo dhawaan la dhisi doono si loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaad ee dowladdu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda waxa ay Shacabka soomaaliyeed ka codsanaysa in ay gacan ka geystaan sidii loo soo celin lahaa xaruumaha adeegyadii bulshada ee aas aasiga ah si bulshadu hesho adeegyo tayo leh oo lacag la’aan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...