Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta Danab oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanka Camaara oo Ka tirsan Gobalka Mudug

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobalka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Sida lagu soo waramayo ciidamada ayaa saakay gaaray deegaanka Camaara iyagoo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay gacanta ku dhigeen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee nabad diidka Al-shabaab.

Hawlgalka oo weli socda ayaa la sheegay in ay ciidamadu sidoo kale baaritaano ka fuliyeen xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo fogaan 85-km dhinaca woqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ee bartamaha soomaaliya.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Sheekh Yuusuf Salaad ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Qaranka in hawlgalka uu weli ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad lagu eedeeynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda nabad diidka ee xagjirka ee xiriirka la leh argagaxisada iyo sidoo kale kuwa basaas u ahaa kooxda xagjirka ah.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbedel xagga hoggaanka ah ayaa qeybo ka mid ah goballada Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ka socda Tuulada ciyaaraha Muqdisho

Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...