R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Cusbitaalka Ku Booqday Askartii Difaaca Dalka Dhaawacyadu Usoo Gaareen

Date:

Muqdisho (SNTV) R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii argagaxisadu ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.

Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan ayaa askartii ku shahiidday difaacidda qaranimadda Soomaaliyeed Allaha uga rajeeyay in uu Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF

Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah

Wafdi ka socda Hay’adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda...

laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...