Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan soo gudanaysa waajibaadka Xajka ayaa bogadiyey kaalinta ay ka qadtay dawladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan tayeynta adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah xujeyda ayaa sheegay in sanadkan iyo sanadii hore farqi wayni u dhexeeyo sida loogu adeegay, marka la eego sida loogu fuduudeyay helida dalka ku galka ama Visaha iyo adeegyada gaadiidka ,hoyga ay ku heleen xajka sanadkan.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga ayaa si toos ah u booqanayey meelaha la dajiyey Xujeyda, si ay u hubiyaan adeegyada ay helayaan dalka Soomaaliyeed ee soo gudanaya Acmaasha Xajka.