Ciidanka Xoogga dalka ayaa wadda Howlgalo lagu bartilmaameyd sanayo Kooxda Al-Shabaab looga na saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalkaan ay ka waddan gobolka waxay ku bacsanayeen haradiga Argagaxisada sidoo kale waxay kala wareegeen goobo ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateynayeen, intii u socday hawlgalka ayaa ciidanka xoogga dalka waxay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab halka kuwo kale na ay ku dhaawaceen.
General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Ciidanku Howlgalkooda Kooxda Al Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga siifeynayo Maleeshiyaadka Al Shabaab.
“Waxaan rajeynayaa insha allah in goobo badan oo Kooxda Al Shabaab ku sugan yihiin gaari doonaan Ciidanka qalabka sida waxaana jira qorshe balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab” sidaas waxaa yiri Taliye Odawaa