Madaxweynaha KG Oo Amar Ku Bixiyay in La Soo Xero Dadka Lagu Tuhmayo Dilalkii Ka Dhacay Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil sida la sheegay.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amray inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

โ€œKuwa dilalkan oo geysanaaya oo sida xun u fekeraayo waxaan leenahay hadii aad dhibta kula soo noqotaan shacabka,lama aqbalaayo,nin aan ka tirsanayn ciidanka qalabka sida dhinacyadoodi kala duwan,kuwa amniga sugaya waxa aan ka ahayn laguma arki karo magaalada,waxaana amar ku bixinayaa in la soo qabto dadkii ka dambeyeey dilalkii dhacayโ€.ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed.

Maalintii shalay ayaa dilal siyaabo kala duwan waxaa ay uga dheceen magaalada Baydhabo nawaaxigeeda,waxaana kamid ahaa dadkii la dilay AUN Cali Aaadan Marguus oo kamid ahaa ganacsatada deegaankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...