Boliiska Kenya oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen in ay ka geystaan Mandheera

Date:

Hal Qof oo ka tirsan Dadka degaanka ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo dhex maray Boliiska Kenya iyo Malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalka Degmada Ceel-waaq Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Booliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Maanta oo khamiis ah sheegay in ay Ciidanku dib u riixeen Koox Hubeysan oo kasoo tallowday Xadka Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay qalalaase ka geystaan gudaha Kenya.

Wuxuuna Afhayeenku ku ammaanay Dadka reer Mandheera tallaabada geesinimada leh ee ay qaadeen, markii ay xog ku aaddan Aragagixisada la wadaageen Laamaha ammaanka.

Hadalka Afhayeenka ayaa yimid markii ay Koox Hubeysan isku dayday in ay weerar ku qaadaan Siddeed Shaqaale ah oo ka howl-galayay degaanka Kotulo, oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

Booliiska ayaa sheegay in Dableydu uu qorshahoodu ahaa in ay weerarka qaadaan 22-kii July ee Sanadkan, balse uu dib u dhacay, ka dib wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmartay Dadka degaanka  iyo Saraakiisha ammaanka.

Wuxuu Afhayeenku ugu baaqay Shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta Saraakiisha Booliiska, si loo adkeeyo ammaanka, wuxuuna sidoo ka codsaday Dadka reer Kenya in ay feejignaadaan oo ay soo sheegaan Cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Isha/The Star

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...