Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed ee magaalada Washinton

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo ku sugan dalka mareykanka ayaa qudbad dhinacya badan taabaneysa u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.

โ€œSharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada Washington oo aan u faah faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta wali aan tiigsaneyno ku guuleysigoodaโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa Soomaalida ku nool qurbaha ku ammaanay dadaalka iyo dhaqaalaha ay u soo diraan dalka, taasoo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira.

โ€œQurba-joogta Soomaaliyeed waxbadan ayay Dalka u qabteen, kabadan ayaa wali looga sii baahanyahayโ€ ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Beyle ayaa Dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska kaashaadaan horumarinta dalka, isagoo sheegay in muwaadin kasta looga baahanyahay in uu qeyb ka noqdo hormarka iyo nabad gelyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...