Dowladda Soomaaliya oo qorshe cusub u dejisay hannaanka waxbarashada

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo si faah faahsan sharaxaad uga bixiyay Hanaanka lagu hormarinayo Qorshani cusub oo ku aadan Tacliinta sare ee dalka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka shaqeynayso si loo dhaqangeliyo qorsha oo wax weyn ku kordhinaya si ay u waxbarashadu u najaxdo.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in ay wasaaraddu wado qorshan si ay u xoojiso Hanaanka Waxbarashadda Tacliinta sare ee dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sameynayo Tacliinta sare ee dalka taas oo aad u muhiim ugu ah Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddu si dhow ula socoto marxaladaha ka gedisan ee dalka islamarkaana ay ka warqabto bahda waxbarashada ee dalka.

Qorshan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in aqoonsi la siiyo Jaamacadaha kala duwan ee dalka ku yaala tallabadani oo ah mid si weyn loo soo dhoweeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...