Muqdisho (SNTV) Allaha Unaxariisto Sahra Shiikh Amiin Markeezi, waxa ay ahayd Saxafi Sawir-Qaade ah oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (sntv) oo ay ka howl galaysay muddo ka badan 4 sano ka hor inta aanan loo magacaabin Guddoomiyaha Degmada Shengaani ee Gobolka Banaadir.
Sahro Aabaheed oo lagu magacaabi jiray Sheikh Maxamed Amiin Markeezi ayaa sidoo kale kamid ahaa masuuliyiinta miisaanka ku lahaa dhinaca shaqada isagoo ka shaqeyn jiray Dhinaca farsamada ee Telefishanka Qaranka, waxaana uu dhintay isagoo u shaqeynayay telefishinka kadibna waxaa booskiisa lagu bedelay Sahro oo halkii kasii waday shaqadii uu ka tagay aabahayd.
Sahra ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmada Shengaani, ka hor intii aan loo magacaabin guddoomiyaha degmada iyadoo intii ay joogtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim u ah bulshada degmadaasi.
Sahra Allaha u naxariistee waxa ay isbitaalka ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Xasan Maxamed Sabriye