QM oo cambaareysay Qarax ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose

Date:

Wakiikla gaarka ah ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa u qaabilsan arrimaha Somaaliya Mr. James Swan ayaa si xooggan u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Xafiiskii Guddoomiyaha Gobolka Banadir Mr. Cabdiraxman Cumar  Cusman,  Eng Yariisoow  kaas oo la sheegay in uu geeystay Khasaare isugu jira naf iyo agab xafiisba.

Aniga oo ah James Swan waxaa  cambaareeynaya weerarkii baahalnimo ee lagu qaaday hoowlka shirarka   gobolka Banaadir oo markaasi uu ka socday kulan ay ku lahaayeen masuuliyinta gobolka banadir.

Waxaa kale uu James Swan intaa ku daray in uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda  sida ay uga soo horjeedaan falalka argagixisnimo .

Warar soo baxay oo horudhac ah ayaa sheegaya in ruux isa soo miidaamiyay  ama ruux naftiis halige ah uu isku dhex qarxiyay hoolkii uu ka socday kulankii Todobaadlaha ahaa, waxaana halkaasi ku geeriyooday dhowr qof , sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tira kale.

James Swan oo ah Wakiiilka Qarmada Midoobay ay u xil saartay arrimaha Soomaaliya ayaa la kulmay goor hore Duqa magaalada Muqdisho inta uusan dhicin Qaraxaasi, wuxuuna ka dhageeystay dhab ahaantii  Horumarka iyo dhibaatooyinka ka jira gobolka guud ahaan.

Mudane Swan oo hoggaaminaya hawlgallada ay ka waddo jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa goblka  Banaadir  iyo guud ahaan Soomaliya ayaa u diray tacsi Dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuu sidoo kale u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay weerarkaasi caafimaad iyo inuu ilaahay si fudud u bogsiiyo dhaawacyadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...