Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la qaatay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa 1-aad Mudane Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay Gudiga Diyaarinta iyo Sameynta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dardar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka.

Geeska kale, Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...