Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay In Wadajir Looga Qeyb Qaato Dib-u-dhiska Galmudug iyo Ka Xoreynta Argagaxisada

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)- Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismahaย  Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed, ayna muujiyaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...