Madaxweyne Waare iyo James Swan oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka QM iyo maamul Goboleedyada Dalka

Date:

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare , ayaa Xafiiskiisa Jowhar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee QM Soomaaliya, James Swan.

Wafdiga ka socda QM iyo Madaxda Hirshabeelle, ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa iyo Dowlad Goboleedyada Dalka,xoojinta arriamaha gargaarka howlaha Bani’aadamnimada iyo amniga.

“Waxan ka wada hadalnay Madaxweyne Waare iyo aniga arrimo badan oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in la xoojiyo geeddi-socodka kobcinta Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,” ayuu yiri Amb; James Swan.

Labada dhinac ayaa waxay si wada jir ah hoosta uga xarriiqeen in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee haatanba ka dhexeeya maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe oo ay xubin ka yihiin, si ay usii socdaan horumarrada haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ay cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in la sii xoojiyo xiriirka Labada dhinac, wuxuuna intaa raaciyay in QM ay ka rajeynayaan in ay Gacan ka geysan doonto barnaamijyada horumarineed ee maamulkiisa.

Kulanka oo ahaa mid xog wareysi ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay, iyagoo horay usoo maray Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...