Madasha Shaqo Abuurka Qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo Garoowe lagu soo gabagabeeyay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb-galeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Wasaaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland, intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirku intuu socday waxaa lagu fallanqeeyay Arrimaha badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhallinyarada iyo Shaqo Abuurka.

Shirka waxaa ka soo baxay Go’aamadda hoos ku xusan;

1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.

2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruucana la boggaadiyo.

3. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirfadaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsamada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

5. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abuurka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.

6. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waawayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinyarada.

7. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo,fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.

8. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Banaadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.

9. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweynta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.

10. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

11. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiyayaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxayna Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal...

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...