Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose.

Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale.

Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...