Muqdisho-(SNTV)-Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho.
Hayโadda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka.
Qoraal kooban oo ay hayโadda NISA soo saartay ayay ku tiri, โHowgal ay Hayโadaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsiโ ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.