Dhallinyarada Soomalaiyeed oo magaalada Muqdisho ka sameyneysa howlo shaqo abuur ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Waxaa sare u kac laga dareemayaa ka ganacsiga iyo iibsiga dharka hudheyda ah suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana ay ganacsatada yar yar ee garab raratada ah ku maareeyaan nolosha reerkooda, kuwaasi oo ka raadiya qutul-daruuriga qoyska.

Dharka iyo alaabada kale ee ay wareejiyaan ayaa waxaa kasii iibsada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir iyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay gataan dharka cusub.

Ka ganacsiga Dharka celiska ah ayaa kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga suuqyada magaalada Muqdisho, maadaama dharka huudeyda ah ay ka shaqeystaan dhalinyaro Soomalaiyeed oo ay u noqotay shaqo abuur si ay ugu maareeyaan nolosha reerkooda ,iyadoo ganacsatada garab raratada ah ee suuqyada ku wareejiya alaabaha kala duwan ay ku soo badanayaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxaa farqi weyn laga dareemayaa qiimaha la kala iibsado dharka cusub ee suuqyada magaalada iyo dharka hudheyda ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qiimaha hada la kala iibsado dharka hudeyda ah oo aad u jaban yahay, halka dharka cusub uu qiimahiisu yahay mid aad u sareeyo .

Qaar ka mid ah ganacsatada yar yare ee garab raratada ah iyo dadka ka shaqeeya dharka dhuudeyda ah ayaa ka warbixiyay qiimaha la kala iibsado dharka celiska ah iyo farqiga u dhaxeeya qiimaha la ka siisto dharka kale.

Falastiin Aadan Faarax, waxa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada dharka waxeyna ka warbixineysaa sida ay ugu ganacsato dharka.

“Waxaan ka ganacsannaa dharka Huudheyda ah, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay weliba xilliba xilliyadan qaboobaha ah ee la joogo, waxaam gadnaa Jaakado, waxaan ka raadsannaa Nolosha reerkeenna Alxamdu Lilaah” ayay tiri Falastiin.

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkan ku soo badanaya horumarka dhinaca ganacsiga ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhalin yaro fara badan oo horay shaqo la’aan u ahaa, kuwaas oo haatan ka shaqeysta ganacsiga Dharka hudeyda iyo Alaabada kale.

W/D; Muuse Cusmaan Abtoow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...